Paris Saint-Germain Oo Si Aan Farxad Laheyn Kaga Hadashay Wararka Xanta Ah Ee Neymar La Xiririirinaya Real Madrid

0
1056

Xiddiga reer Brazil Neymar ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Los Blancos, laakiin tababare Unai Emery ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in xiddiga uusan ka dhaqaaqi doonin kooxda Paris Saint-Germain.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ayaa sheegay in kooxda Ligue 1 aysan ka welwelsaneyn wararka sheegaya in Neymar uu ku dhow yahay ku biirista Real Madrid.

Neymar, oo 25 sanno jir ah, ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda ka dhisan La Liga, inkastoo keliya PSG kaga soo biiray xagaagan kooxda Barcelona.

Edinson Cavani iyo Javier Pastore ayaa durbadiiba la hubin mustaqbalkooda kooxda ka dhisan France, waxaana sidookale jira shaki laga qabo sii joogista Neymar.

Si kastaba ha ahaatee, Tababare Emery ayaa sheegay in kooxdiisa ay wajahayaan Real Madrid wareega 16ka Champions League, iyagoo aan ka welwelsaneyn xaalada Neymar.

“Kooxdu waa mid xoog leh sidaan ka aragnay Coupe de France iyo Coupe de la Ligue, waxaan dooneynaa si lamid ah taas inaan ku wajahno Real Madrid” ayuu yiri tababare Unai Emery.

“Tusaale ahaan, haddii aad maanta aqriso wargeyska ugu horreeya Isboortiga Spain, waxay ka hadlayaan Neymar iyo Real Madrid, waana wax layaab leh.

“Ciyaartoyda, shaqaalaha, macalimiinta iyo shaqaalaha farsamada dhamaaan way ogyihiin inuusan Neymar ka tagi doonin halkaan” ayuu yiri tababare Unai Emery.

Neymar ayaa si wacan ku bilowday xirfadiisa ciyaareed ee kooxda PSG, isagoo dhaliyay 20 gool 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

PSG ayaa sagaal dhibcood hogaanka Ligue 1 ku heysa ka hor inta aysan u safrin Nantes axada.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan