Qoyska xiddig horay usoo maray Man Utd ayaa hor joogsanaya heshiiskii Lucas Moura ee Old Trafford

0
741

Garablaha reer Brazil Lucas Moura ayaa haatan shaki weyn la gelinayaa heshiiskii uu kula soo biirayey kooxda Manchester United.

Sida ay daabacday majaladda The Sun ee dalka Ingiriiska, xaaska xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Angel Di Maria ayaa uga digtay Lucas Moura inuu u dhaqaaqo Man United.

Lucas oo u dhashay dlaka Brazil ayaan xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Paris Saint-Germain ugu soo bilaaban kulan horyaalka Ligue 1, wuxuuna isha ku hayaa inuu usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan Old Trafford si uu boos uga helo xulka Brazil ee ciyaaraya Koobka Adduunka 2018ka.

Laakiin xaaska Angel Di Maria ee lagu magacaabo Jorgelina Cardoso ayaa waxay uga digtay gabadha u dhaxda Lucas Moura ee Larissa Saad nolosha adag ee magaalada Manchester.

Jorgelina Cardoso ayaa u sheegtay Larissa Saad inay nolosha magaalada Manchester tahay mid aad u adag marka loo barbardhigo nolosha caasimadda Paris ee dalka Franceā€¦ Iyadoo la xusuusto inuu Angel Di Maria hal sanno oo dhib badan kusoo qaatay Man Utd inta uusan imaanin Faransiiska.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan