RASMI: Arda Turan oo ka tagay Barcelona kuna biiray koox ka dhisan dalka Turkiga

0
425

Laacibka reer Turkey ee Arda Turan ayaa ka tagay kooxda Barcelona isaga oo dib ugu laabtay dalkiisa hooyo.

Arda Turan ayaa amaah labo xiliciyaareed iyo bar ah ugu wareegay kooxda ka dhisan dalkiisa ee Istanbul Basaksehir FK, waxaana heshiiska qayb ka ah in kooxda reer Turki ay wada iibsan karto haddii uu la qabsado.

Kaddib markii uu boos joogto ah ka waayey kooxda Barcelona Arda Turan ayaa ku qasbanaaday inuu isaga tago garoonka Camp Nou.

30-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu maanta gaaro Istanbul i uu u maro tijaabada caafimaadka, isla markaana u dhammaystiro ku biirista kooxdiisa cusub ee Basaksehir FK.

“Arda maanta ayuu dib ugu soo laabanayaa dalkiisa, si uu u xirto maaliyadda kooxda ee u eg burtuqaalka.” Ayuu u dhignaa qoraal kooban oo ay kooxda reer Turki soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Dhinaca kale kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in Arda Turan uu amaah ugu wareegay kooxda dalkiisa ka dhisan ee Istanbul Basaksehir FK.

Turan ayaa u saftay kooxda Barcelona 55 kulan, wuxuu u dhaliyay 15 gool, isagoo la qaaday 6 koob.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan