Sababtaan Darteed Alvaro Morata Oo Aan Awoodi Doonin Inuu Caawiyo Kooxdiisa Chelsea

0
1435

Sida uu aaminsan yahay khabiirka BBC Sport Danny Murphy, Alvaro Morata ayaan wax badan ka caawin doonin xili ciyaareedkaan kooxda Chelsea.

Waxa uu ku riyaaqay bilowgii noloshiisa cusub ee Chelsea, waxaana uu dhaliyay 10 gool oo Premier League ah, laakin kulamadii lasoo dhaafay ayuu dhalaceyn weyn kala kulmayay saxaafada Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu kujiraaa abaar dhanka goolasha ah, isagoo wax gool ah dhalin labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa lumiyay fursado badan kulankii ay barbaraha 2-2 Chelsea la galeen Arsenal bilowgii bishaan Janaayo.

Murphy waxa uu aaminsan yahay in Morata uu qaab ciyaareedkiisa uusan aheyn mid aan caadi ahayn, taasna ay sabab u tahay inuusan caawinaad ka helin tababare Conte.

“Weeraryahanka wuxuu kujiraa waqti adag, xitaa Harry Kane wuxuu soo maray heer lamid ah Morata,” Murphy ayaa u sheegay London Evening Standard.

“Uma maleynayo in qaab ciyaareedka Chelsea ay saacidi karto weeraryahankii hore ee Real Madrid¬†Alvaro Morata sida uu aaminsan yahay.

“Inta badan Conte waxa uu isticmala shaxda 3-5-2 taasoo dhibaato ku ah Morata, laakiin haddii ay Chelsea isticmaasho¬†3-4-3 markaas Morata ayaa heli kara fursad uu isbedell ku sameeyo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan