Shaxda rasmiga ah ee kooxaha Real Madrid iyo Villarreal – Yaa ku soo bilowday kulanka ka dhacaya Santiago Bernabeu?

0
419

Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Real Madrid iyo Villarreal ee horyaalka La Ligaha Spain.

Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain waxa ay soo maanta soo booqan doontaa garoonka Santiago Bernabeu, kooxda uu hoggaamiyo tababare Zinedine Zidane ayaana u baahan inay saddexda dhibcood ee kulankan gacanta ku dhigaan La Liga kaddib barbarihii ay la galeen Vigo iyo guuldarradii ku soo gaartay kulankii El Clasico.

Macallinka reer France ee Zidane ayaa safkiisa hore ku soo bilaabay labadiisa weeraryahan ee Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale si ay goolal ugu dhaliyaan kulankan oo ay cadaadis u saaraan difaacyada Villarreal.

Isco ayaa sidoo kale ku soo bilowday khadka dhexe ee Weerarka Real Madrid, halka Dan Carvajal uu dib ugu soo laabtay kooxda kaddib ganaax uu ku maqnaa kulankii Vigo.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Safka hore ee Real Madrid: Keylor Navas; Dani Carvajal; Raphael Varane, Nacho, Marcelo; Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric, Isco; Gareth Bale, Cristiano Ronaldo.

Safka hore ee Villarreal: Asenjo; Mario, Bonera, Alvaro, Costa; Rodrigo, Castillejo, Triguerous, Fornals; Raba, Bacca.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan