VIDEO: Qaabkii ay kooxda Barcelona u soo bandhigtay maanta difaaceeda joogga dheer ee Yerry Mina

0
870

Kooxda kubadda cagta Barcelona ee dalka Spain ayaa maanta si rasmi ah saxaafadda ugu soo bandhigtay difaaceeda jogga dheer ee Yerry Mina.

Xiddiga xulka qaranka Colombia ayaa maanta lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou kaddib markii uu heshiis shan sanadood iyo bar ah qalinka ugu duugay kooxda Barcelona.

Yerry Mina oo ah xiddiga ugu dheer kooxda Barcelona, isla markaana 23-sano jir ah ayaa noqonaya laacibkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Colombia ee tartan rasmi ah u ciyaara Barcelona.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalo ay soo daabacday kooxda Barcelona ee ah sidii ay maanta saxaafadda ugu soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Yerry Mina.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan