WARBIXIN: Man City Oo Qarka U Saaran Inay Seegto Saxiixa Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez & Wakiilkiisa Oo Sabab U Ah

0
1632

Manchester City ayaa halis ugu jirta in ay lumiso Alexis Sanchez, oo bartilmaameed lama filaan ah u noqday kooxda Manchester United.

Waxaa sidoo kale la fahamsan yahay in wakiilka Sanchez uu doonayo £ 5milyan oo ginni, iyadoo Man Utd diyaar u tahay in ay bixiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Arsenal oo ah 40 milyan oo ginni.

Sanchez, oo 29 sanno jir ah, ayaa Gunners ka tagi doona Bishaan Janaayo hadii uu soo bandhigo qaab ciyaareed wanaagsan, islamarkaana bedelkiisa ay hesho kooxda Gunners.

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa sheegay in Sanchez uu yahay ciyaaryahan weyn oo cadiyan ay ka doonayaan suuqa kala iibsiga kooxdiisa Manchester United.

“Sanchez waa ciyaaryahan Arsenal ah,” Mourinho ayaa hadalkiisa raaciyay. “Ma aqaano, laakiin malaha dhamaadka todobaadkan waxa uu difaaci doonaa midabada Arsenal, sidaasi darteed uma maleynayo inay sax tahay inaan ka hadlo wax ku saabsan Alexis Sanchez.

“Aniga, guddiga Manchester United iyo milkiilayaasha, ma aaminsani in badan oo suuqa January ah, ma aaminsanin inaan la saxiixan karo kaliya hal ciyaaryahan.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ee Paris St-Germain ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa weeraryahanka Chile, laakiin Sanchez ayaa doorbidaya inuu ku biiro kooxda Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, laacibka weerarka ka ciyaara ee Gabriel Jesus oo ka maqan City ayaa ku qasbeysa Pep Guardiola inuu xooga saaro saxiixa Sanchez.

City ayaa sidoo kale dareensan in ciyaaryahanka uu go’aansaday inuu ka tago Arsenal inta lagu jiro  bishaan.

Waxa uu yiri Pep: “Kama jawaabi karo, waan fahmay su’aashaada, laakiin ogow Sanchez wali waa ciyaaryahan Arsenal ah.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa dooneysa inay iska iibiso Sanchez,iyadoo bedelkiisa u aragta 20 jirka reer Brazil ee kooxda Bordeaux ee Malcom.

“Sida caadiga ah waxa uu sii joogi doonaa illaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka – laakiin waan arki doonaa waxa dhaca” ayuu yiri tababaraha Gunners Arsene Wenger.

Sawirka la xidhiidha

July 2014 – Arsenal ayaa 35 milyan oo ginni kaga soo iibsatay Barcelona Sanchez oo saxiixay qandaraas afar sanno ah, xiligaasoo ay xiiseynayeen kooxaha Liverpool iyo Juventus.

May 2015 – waxa uu ku dhameystay xilli ciyaareedkii ugu horeeyay Arsenal isagoo dhaliyay 25 gool, waxaana kujira goolkii guusha ee final kii FA Cup oo ay ka qaadeen Aston Villa.

May 2016 – wuxuu ku dhameystay 17 gool, inkastoo uu muddo bil ah dhaawac la maqnaa, laakiin Gunners ayaa ku guuldareysatay inay ku guuleysato koobxili ciyaareedkaas.

May 2017 – goolasha ugu badan ee Arsenal ayuu kulg yeeshay waxaana uu ka saaciday Arsenal in ay ku guuleysato FA Cup.

August 2017 – ayuu ogolaaday heshiis 55 milyan oo ginni ah inuu ugu biiro kooxda Manchester City, laakiin Arsenal ayaa kansashay heshiiskii ay ku dooneysay Thomas Lemar oo loo arkayay bedelkiisa.

Bishan Janaayo 2018 – Sanchez ayaa dhaliyay 8 gool, laakiin waxaa lala xiriirinayaa kooxaha Manchester City iyo United.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan