Wenger Oo Ka Hadlay Bixitaanka Sanchez, Xiddigaha Labada Ah Ee Bedeli Kara, Qorshaha Kooxdiisa & Rajadooda Afarta Sarre

0
903

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa qiray in Alexis Sanchez uu ka tagi doono kooxdiisa inta lagu jiro bishaan kaliya haddii la helo xiddigii bedeli lahaa isaga.

Manchester City iyo Manchester United ayaa labaduba lagu soo waramayaa inay doonayaan saxiixa weeraryahanka Arsenal, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Sanchez ayaa laga yaabaa inuu usafto Gunners kulankiisii ugu dambeeyay marka ay axada berri ah wajahayaan kooxda Bournemouth.

Wenger kooxdiisa ayaa lala xiriirinayaa weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Bordeaux Malcom iyo xiddiga Monaco Thomas Lemar si ay u noqdaan bedelka Sanchez.

Markii ay weydiiyeen suxufiyiin haddii Sanchez uu ka tagi doono Arsenal?, Wenger ayaa yiri: “Si wanaagsan ayaad u soo bandhigeysaa shekadaas, laakiin marka hore ku dar inaan helno bedelkiisa.

Alexis waa ciyaaryahan weyn oo kubada cagta ah, waa ciyaaryahan heer caalami ah, haddii uu baxo, waa inaan helnaa bedelkiisa “ayuu hadalkiisa raaciyay Wenger.

Tababaraha Arsenal ayaa yiri: “Waxaan maqlay sheekooyin badan oo isaga ku saabsan, waxaana ka wada hadalnay xaqiiqda ah in dadku mar walba ka hadalhayaan isaga.

Wenger, oo dhameystiranaya ganaax seddex kulan ah kulanka Bournemouth, ayaa dareensan in Arsenal u baahan tahay dib usoo laabasho deg deg ah.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, waxaana ay ku dagaalamayaan booska loogu soo baxo tartanka Champions League.

Afarta kooxood ee ugu sareysa Premier League ayaa ah kuwa markasta ciyaara tartanka Champions League, “waxaa jira muhiimad weyn oo ah ciyaaraha, dabcan waxaan ka harnay Champions League xili ciyaareedekaan, sidaas darteed waxaan u baahanahay dagaal ayuu yiri Wenger.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan