Arsene Wenger oo si maldahan u sheegay inuu Alexandre Lacazette ka wanaagsan yahay Dennis Bergkamp iyo Thierry Henry

0
325

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in weeraryahanka reer France Alexandre Lacazette uu qaab ciyaareed wanaagsan lasoo bixi doono isla markaana uu bilaabi doono inuu qanciyo taageereyaasha Gunners ee aaminsan in uusan u qalmin qiimihii lagu soo iibsaday.

Arsene Wenger ayaa xiddigaan kusoo iibsatay 53 milyan oo ginni, balse qaab ciyaareedka uu soo bandhigay xilli ciyaareedkaan ee dhanka gooldhalinta ayaan qancin Gooners.

Wenger ayaa caddeeyey inuu Lacazette qaab ciyaareed ahaan shabbaho halyeeyada Arenal Dennis Bergkamp iyo Thierry Henry marka la fiirsho sida uu u taabto kubadda marka uu joogo goolka hortiisa… Weliba wuxuu sheegay inuu kaga wanaagsan yahay dhanka gooldhalinta maalmahoodii hore.

Bergkamp waxay ku qaadatay lix kulan inta uusan dhalin goolkiisii ugu horreeyey ee Arsenal ka dib markii uu uga soo biiray Inter Milan.

Halka Henry uu keliya laba gool dhaliyey 17kiisii kulan ee ugu horreeyey Arsenal oo uu uga soo biiray kooxda Juventus.

Iyadoo Arsenal ay galabta wajaheyso Bournemouth, Lacazette ayaa dhaliyey sideed gool oo horyaalka England Premier League ah tan iyo markii uu kooxda ka dhisan Waqooyiga London uga soo biiray Lyon.

Wenger wuxuu yiri: “Marwalba waa ay ku adag tahay ciyaaryahanka lixdiisa bilood ee ugu horreeya kooxda. Waa ay ku adkaaneysaa ciyaaryahanka la qabsiga kooxdiisa cusub sannadkiisa ugu horreeya.

“Sidoo kale horyaalka England Premier League kumaba sii jiro maadaama daafacyadu ay u xoog sheegtaan weeraryahannada. Waana sababta uu Lacazette u wajahay tartan ka culus midkii horyaalka France”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan