DEG DEG: Alexis Sanchez oo qarka u saaran inuu ku biiro Manchester United – Ogoow sida ay haatan wax u socdaan!

0
2298

Alexis Sanchez ayaan la safrin kooxdiisa Arsenal lagumana darin kooxda Gunners ee wajaheysa Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka England Premier League galabta oo Axad ah.

Taasi waxay muujineysaa inuu Sanchez qarka u saaran yahay inuu si degdeg ah ugu biiro ooxda Manchester United, taasoo haatan ugu cadcad saxiixa gooldhaliyaha kooxda Arsenal.

Majaladda Daily Mirror ayaa fahamsan inay Man United dooneyso inay Arsenal akoonka ugu shubto 30 milyan oo ginni si ay ugala wareegto laacibkii hore ee Barcelona, Sanchez ayaana si shaqsi ah loo siin doonaa lacag badan haddii uu u saxiixo Man United (Huge signing-on fee), sidoo kale qandaraas qaali ah ayey u ballan qaadan Man United.

Haddii kusoo biiro kooxda ka dhisan Old Trafford, Alexis Sanchez ayaa Isbuucii mushaar ahaan u qaadan doona ku dhowaad 400 kun oo ginni, waana mushaar ka badan midka ay usoo bandhigtay Manchester City.

Sidoo kale, maamulka Man United ayaa lacag farabadan ka ballan qaaday wakiillada Sanchez haddii ay xiddigaan uga soo leexiyaan kooxda ay deriska yihiin ee Manchester City.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Chile Sanchez ayaa Sabtidii tababar la qaatay Arsenal, mana dhaawacna, sidaas darteed ka maqnaanshiyihiisa kulanka Bournemouth ee galabta wuxuu muujinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu dhammeystiro ku biiristiisa Man United.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa sidoo kale aaminsan inuu Sanchez ku joogo jidkii uu maalmaha soo aadan kula biiri lahaa kooxda ka dhisan Old Trafford.

Lix bilood ayaa haatan ka harsan qandaraaska uu 29 sanno jirkaani kula jiro kooxda Arsenal, wuuna diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa.

Dhanka kale, Arsenal ayaa bedelkiisa ku dhow inay gacanta kusoo dhigto weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Bordeaux Malcom, kaasoo ay kusoo qaadaneyso 35 milyan oo ginni.

Kuna darso maamulka Red Devils ayaa diyaar u ah inay qeyb ka mid ah heshiiska Sanchez u adeegsadaan Henrikh Mkhitaryan, heshiis walbana waa lagu dari doonaa.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan