Kadib Guuldarradii Villarreal, Tababare Zinedine Zidane Oo Quus Ka Muujiyay Xaalada Real Madrid & Shaqadiisa

0
855

Tababaraha Real Madrid Zidane wuxuu ogyahay in ay luntay kalsoonida kooxdiisa ka dib guuldaro kale oo horyaalka La Liga kasoo gaartay xalay.

Zinedine Zidane ayaa sheegay in kalsoonida Real Madrid hoos u dhacday ka dib markii kooxda heysata horyaalka Spain iyo kan yurub guuldarro kala oo xanuun badan kala kulantay kooxda Villarreal.

Daqiiqadii 87aad ee ciyaarta weeraryahanka Villarreal Pablo Fornals ayaa Santiago Bernabeu kaga dhaliyay Real Madrid goolka guusha.

Madrid ayaa kaalinta afaraad ku jirta, waxaana ay badisay kaliya mid kamid ah shantii kulan ee ugu dambeysay La Liga, iyagoo 19 dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Barcelona.

“Aad ayay u adag tahay kalsoonida,” ayuu yiri tababaraha kooxda Madrid Zidane, kaasoo ku hogaamiyay Los Blancos UEFA Super Cup, Supercopa de Espana iyo koobka kooxaha adduunka horaantii xilli ciyaareedkan.

“Waxaan helnay fursado aan gool ku dhalin karnay, laakiin dhamaadka ciyaarta waxa nagu dhacay nasiib darro, waxaa naga dhashay gool lama filaan ah.

“Waxa aan u baahannahay inaan si dhaqso ah kusoo kabano, waan ka xunahay dhamaanteen waxa na gaaray “ayuu hadalkiisa ku daray tababare Zidane.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan