Kaliya hal qoys oo hor taagan in la dhiso garoonka cusub ee kooxda Chelsea, waxaana ay dalbanayaan lacag magdhow ah!

0
980

Warbaahinta Ingiriiska ayaa warinaysa in kaliya hal qoys ay ka hor taagan yihiin Chelsea inay dhisato garoonkeeda cusub, isla markaana ay dalbanayaan lacag magdhow ah.

Lacagaha ay dalbanayaa qoyskaan madaxa adag ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Magdhow dhan 20 milyan oo bound.

69-sano jirka Nicolas Crosthwaite ee ah howl-gab ka shaqeyn jiray Bank ayaa doonaya in lacagtaas faraqa loogu shubo, maxaa yeelay waxa uu ku andacoonayaa in dhismaha cusub ee ay Chelsea damacsan tahay uu ka qarin doono ama kaga aadi doono ileyska Qorraxda.

Wararku waxa ay intaa ku daryaan in Xaaska Nicolas ee Nicolas Lucinda oo 59-sano jir ah iyo caruurtooda kala ah Rose 25-sano jir ah & Louis oo 23-sano jir ah loo soo bandhigay 1 milyan oo bound, si ay u socoto howsha dhismaha garoonka cusub ee Chelsea.

Balse waxaa la sheegay inay iska diideen lacagtaas halka milyan ah oo ay dalbanayaan adduun dhan 20 milyan oo bound.

Roman Abramovich oo ah Milkiilaha kooxda Chelsea ayaa markii arrintaan la gaarsiiyey la sheegay inuu furka tuuray maamulka sare oo uu aad u carooday kaddib markii qoysku soo diiday dalabka kooxda Blues.

Gurigan oo ku kacaya 4 milyan ayuu Nicholas degganaa muddo 50 sanadood ah, waxaa la warinayaa in gabadhiisa Rone ay qoraal u dirtay Dowladda hoose oo ay ku wargelisay in shan qol oo ka mid ah gurigooda dabaqa ay qorraxdu ka qarsoomi karto haddii ay Chelsea dhisato garoonkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii heshiis laga gaari waayo is mari waagaan, waxay carqalad ku noqon kartaa in la furo waqtigii loogu tala galay qorshaha garoonka cusub lagu dhisayo 2023-24, kaa soo ku kacaya 10-ka Bilyan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan