Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda & Maalinkiisa 14aad

0
987

Suuqa Kala Iibisga January ayaa furan maalintii 14aad, iyadoo kooxaha waaweyn dalabyo ay u dirayaan ciyaartooy muddo diirada u saarneyd.

Wargeysyada waaweyn ee dunida ayaa maanta oo axad ah wax ka qoray xaalada suuqa kala iibsiga iyo xanta kooxaha ugu weyn shanta horyaal ee ugu sarreysa Yurub.

Haddaba Shabakadda ciyaaraha GOOL.NET ayaa idin soo gudbin doonta maanta sida wargeysyada wax kaga qoreen marxalada suuqa , waxaana idin diyaariyay Hassan Iniesta.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay kula biirto Manchester City iyo Manchester United saxiixa xiddiga Chile Alexis Sanchez oo 29 jir ah. (Sunday Mirror)

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu udhaqaaqo xagaagan xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann iyo weeraryahanka Wales Gareth Bale oo 28 jir ah (Mail on Sunday)

Manchester United ayaa laga yaabaa inay bixiso 10 milyan oo ginni haddii Sanchez aqbalo heshiiska uu ugu soo dhaqaaqayo United. (Sunday Telegraph)

Qoyska Sanchez ayaa u yimid London si ay kaga caawiyaan ciyaryahanka inuu u dhaqaaqo Manchester City (Goal)

Stoke ayaa weli dooneysa inay magacaawdo tababaraha Republic of Ireland Martin O’Neill, iyagoo u aragta bedelka Mark Hughes. (Sunday Telegraph)

Hadii O’Neill uu aqbalo dalabkaas, Roy Keane ayay u badan tahay inuu noqdo kaaliyiha kooxda (Irish Independent)

Macalinka Espanyol Quique Sanchez Flores ayaa ogolaaday inuu la wareego shaqada Stoke, (Sky Sports)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay 60 milyan oo ginni kula soo wareegtay xiddiga garabka uga ciyaara Monaco Thomas Lemar oo 22 jir ah, (Sunday Times)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Guinea Keita ayaa doonaya inuu la dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo Liverpool (Bild – jarmal)

Reds ayaa weli fursad u heysta inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Schalke Leon Goretzka, (Sunday Mirror)

Tababaraha Newcastle Rafael Benitez ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo goolhayaha Napoli Pepe Reina oo 35 jir ah. (Sun on Sunday)

Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta tababaraha Madrid Zinedine Zidane, (Marca)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan