LIVE: Tebin qoraal ah oo ku saabsan wax walba oo ka dhacaya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Axad ah

0
1297

Keliya boggaan ayaad kala socon kartaa wax walba oo ka dhacaya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maalintiisa 14aad.

Alexis Sanchez, Naby Keita iyo Theo Walcott oo mustaqbalkoodu saaran yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa ugu horreyn doona waxyaabaha aan diiradda saari doono.

Alexis Sanchez oo Arsenal ka tirsan ayaa waxaa saxiixiisa isku heysta kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Manchester City.

Naby Keita ayaa lagu soo waramayaa inuu kusoo jeedo Liverpool, iyadoo xiddigaan uu xilli hore imaan doono Anfield Road.

Theo Walcott ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka tago kooxda Arsenal, Everton ayaana ugu horreysa kooxaha doonaya.

Kooxda  RB Leipzig ayaa bayaan goordhow ka soo saartay xaaladda xiddigeeda Naby Keita, waxa ay ku xaqiijisay in uusan ku biiri doonin Liverpool illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Warbixin kooban oo ay kooxda RBLeipzig soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa u dhignaa: “RASMI: Naby Keita wuxuu baaqi ku ahaan doonaa RBLeipzig illaa 30-ka bisha June 2018, waxaan rajeyneynaa inaan hagaajinay wararkii xanta ahaa ee la xiriirinayay xiddiga inuu Liverpool u dhaqaaqayo January.”

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan