Liverpool Oo Tallaabo Yar U Jirta Saxiixa Alexis Sanchez Oo Bartilmaameed U Ahaa Manchester City Iyo United

0
1021

Liverpool ayaa diyaar u ah inay Manchester Utd iyo Manchester City ka dulqaado xiddiga Arsenal Alexis Sanchez.

Philippe Coutinho oo ku biiray kooxda Barcelona ayaa ku qasbeysa Reds in ay bixiso qiimo £ 35m oo ay kula soo wareegayaan xiddiga reer Chile Sanchez.

Milkiilayaasha kooxda Liverpool ee ku mideysan Fenway Sports Group – ayaa ku rajo weyn in ay dhameystiraan saxiixa 28 sanno jirkaan doonaya inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa.

Liverpool ayaa dhawaan 75 milyan oo ginni kula soo wareegtay daafaca Virgil van Dijk, iyagoo haatan suuqa ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen bedelka Philippe Coutinho.

Kooxda ayaa durbadiiba ogolaatay heshiis 60 milyan oo ginni ah in ay kula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Afrika Naby Keita oo ka tirsan kooxda Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig.

Klopp ayaa hadda u arkaya Sanchez bedelka saxda ah ee Philippe Coutinho oo u dhaqaaqay isbuucii lasoo dhaafay kooxda Barcelona.

City ayaa diyaar u ah inay bixiso mushaar £ 285,000-toddobaadkii, halka United ay ballan-qaaday £ 300,000-toddobaadkii in ay siin doonto weeraryahanka South America, taasoo caqabad ku ah Liverpool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan