Maamulka Man United oo xiddig jooga 440 milyan hadiyad uga dhigaya Jose Mourinho si uu u qaado koobka EPL

0
1483

Maamulka Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dareensan yihiin in saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Neymar JR uu hadiyadda ugu habboon (Perfect gift) u noqon lahaa tababarahooda Jose Mourinho, sida laga soo xigtay majaladda Daily Express Sunday.

Manchester United ayaa xagaagii lasoo dhaafay ku guuldarreysatay saxiixa Neymar, markaasoo xiddiga reer Brazil uu ka tegay Barcelona kuna biiray kooxda PSG.

25 sanno jirkaan ayaa wixii intaas ka dambeeyey qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay kooxda ka dhisan garoonka Parc Des Princes, isagoo 20 gool dhaliyey 22 kulan oo uu ciyaaray, waxayna si wacan dhanka weerarka isugu fahmeen xiddigaha Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta ayaa sheegeysa inuu Neymar dhammaadka xilli ciyaareedkaan ka tegi doono PSG, wararka ayaana soo jeedinaya inay Manchester United diyaar u tahay inay xiddigaan kula soo wareegto 440 milyan oo ginni.

Shabakadda Don Balon ee dalka Spain iyo wargeyska Daily Express ayaa labaduba sheegaya in Red Devils ay dooneyso inay lasoo saxiixato Neymar, xitaa maamulka Man United ayaa aaminsan in haddii saxiixa Neymar ay hadiyad uga dhigaan tababare Mourinho ay markaasi kooxdu ku guuleysan karto koobka England Premier League.

Man United ayaa haatan 15 dhibcood ka dambeysa Manchester City oo hogaamineysa horyaalka EPL.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa Man United kula dagaalameysa saxiixa xiddigii hore ee Barcelona. Waxaana xusid mudan in Los Blancos ay xiddigaan u aragto bedelka Cristiano Ronaldo oo qarka u saaran inuu ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan