Neymar Jr oo ka maqnaan doona kooxdiisa Paris Saint-Germain kulanka ay caawa booqanayaan Nantes

0
497

Neymar Jr ayaan ku jirin oo ka maqan shaxda kooxdiisa Paris Saint-Germain ee wajihi doona naadiga Nantes caawa ee horyaalka Ligue 1, waxaana uu la maqnaan doonaa dhaawac feeraha ah.

Xiddiga xulka qaranka Brazil kaasoo ciyaaray goolna dhaliyey kulankii Arbacadii ee Coupe de la Ligue oo ay guusha ka gaareen kooxda Amiens ayaan u safri doonin garoonka Stade de la Beaujoire.

Kooxda PSG ayaa xaqiijisay magacyada xiddigaha uga qeyb gali doona kulanka caawa ee horyaalka Faransiiska, waxaana laga waayey Neymar Jr si la mid ah Javier Pastore.

Waxa ay kooxdu shaaca ka qaaday in 25-sano jirkaan uu la maqan yahay xanuun cajawda feeraha ah oo saameyn ku yeeshay qafiska ku dahaaran feeraha.

Neymar ayaa u dhaliyey 11 gool kooxda PSG 14 kulan oo uu u saftay illaa iyo haatan, waxaana uu u dhaliyey 20 gool tartammada oo dhan tan iyo markii uu kooxda heshiis rikoorka adduunka ah uga soo dhaqaaqay xagaagii kooxda Barcelona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan