WAAN SEEXDAA: Antonio Conte Oo Dib U Bilaabay Dagaalkii Kala Dhaxeeyay Tababare Jose Mourinho

0
776

Antonio Conte ayaa ka jawaabay hadaladii ugu dambeeyay ee tababare Jose Mourinho ku weeraray, isagoo sheegay inuusan ku dhibibaatoon doonin hadalada kasoo yeeraya tababaraha Manchester United.

Mourinho ayaa sheegay inuu dareemay dhibaatooyin weyn oo heysta Chelsea, taasna sabab ay u tahay fudeedka tababaraha Talyaaniga.

Laakiin ka dib markii Chelsea ay barbaro kala kulantay horyaalka kooxda Leicester, Conte ayaa dib isaga weeraray tababaraha reer Portugal ee kooxda Manchester United.

Conte wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in tani aysan na dhibi doonin sida dadka qaar, si wanaagsan ayaan u seexan doonaa.

Labada nin ayaa lagula taliyay inay soo afjaraan dagaalka u dhaxeeya, inkastoo weli mid kasta uu dagaal afka ah u adeegsado saxaafada.

Chelsea ayaa haatan ka dambeysa kooxda uu hogaamiyo Mourinho ka dib markii ay barbaro la galeen kooxda Leicester City.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan