Lambarkee ayuu Theo Walcott u xiran doonaa kooxdiisa cusub ee Everton?.. + SAWIRRO

0
1664

Kooxda Everton ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhammaystirtay saxiixa Theo Walcott oo ay ka soo qaateen naadiga Arsenal, waxaana la warinayaa inay ku soo iibsadeen 25 milyan oo gini.

Waxa uu Walcott kooxdiisa cusub ee Everton u saxiixay heshiis saddex sanadood iyo bar ah.

28-sano jirkaan ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub lambarka 11-aad, kaddib markii uu ka tagay Arsenal oo uu u xiran jiray lambarka 14-aad, si la mid ah Gunners xulkiisa qaranka England ayuu u qaataa lambarka 14-aad.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa saddex goor FA Cup-ka la qaaday Arsenal, kuwaasoo uu u dhaliyey 108 gool 396 kulan oo uu u saftay.

Walcott ayaa ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda Tababare Sam Allardyce u safan kara, marka ay Everton la ciyaareyso Sabtida Naadiga West Bromwich Albion.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan