Bayern Munich oo kooxda Man United ku garbinaysa saxiixa Weeraryahan ka xamaasha Caasimadda Spain

0
973

Kooxda Manchester United ayaa la soo warinayaa inay tartan kala kulmayso saxiixa Weeraryahan Gareth Bale kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka, haddii Real Madrid ay iska iibinayso xiddiga dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa muddo dheer la la xiriirinayey inay lacag weyn ugu dhaqaaqeyso soo xero gelinta xiddiga xulka qaranka Wales, waxaa la fahamsan yahay in weli ay xiiseynayso inay Bale ku soo celiso horyaalka Premier League, haddii uu ka tagayo Madrid.

Kooxda haysata horyaalka Spain ayaa la soo warinayaa inay isha ku heyso inay xagaaga la soo wareegto Weeraryahano cusub, iyadoo weeraryahanada hadda u jooga ee Bale, Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema la la xiriirinayo inay baxaan.

Si kastaba, kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa hadda u muuqata mid si layaab leh u soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Bale, sida ay warinayaan wararka laga helayo dalka Spain.

Dhawaan ayey ahayd markii tababaraha kooxda Man United ee Jose Mourinho uu u sheegay Bale inuu ku guuleysan doono kubadda dahabka ah haddii uu u saxiixo kooxda ka dhisan Old Trafford.

Bale ayaa la dhibtooday dhaawacyo sanadihii ugu dambeeyay, laakiin waxa uu dhaliyey lix gool oo La Liga ah sagaal kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan