RASMI: Harry Kane oo ku guuleystay Abaal-marinta xiddiga sanadka xulka England

0
327

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa ku guuleystay Abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiicanaa England dhanka Ragga sanadkii la soo dhaafay ee 2017.

24-sano jirkaan ayaa saameyn weyn ku lahaa kulamadii uu xulkiisa qaranka saddexda Libaax ciyaaray sanadkii hore, waxaana uu u dhaliyey goolal muhiim ah.

Kaddib markii uu Harry Kane gacan geystay 8 gool oo uu dhaliyey xulka qaranka England sanadkii 2017 taageerayaasha ayaa u codeeyey inuu ahaa kan ugu fiican sanadkaas.

Kane ayaa gacan ka geystay 8 gool 6 kulan oo uu xulka qaranka England u ciyaaray sanadkii 2017, waxa uu dhaliyey 7 gool isagoo caawiye ka ahaa 1 gool oo kale.

Dhinaca kale goolhayaha kooxda Everton ee Jordan Pickford ayaa isna ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa xulka da’yarta England ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 21-jirada.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan