RASMI: Aaron Lennon oo ka tagay Everton oo ku biiray Kooxda… + SAWIRRO

0
1045

Kooxda kubadda cagta Burnley ayaa dhammaystirtay maanta ciyaaryahankii hore ee garabka uga dheeli jiray naadiga Everton ee Aaron Lennon.

Xiddigii xulka qaranka England ayaa maalmihii ugu dambeeyey la warinayey inuu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda ka dhisan garoonka Turf Moor, kaddib markii uu ballan qaad fiican ka helay tababare Sam Allardyce.

Kooxda Burnley ayaa haatan shaacisay inay dhammaystirtay saxiixa Aaron Lennon kaasoo ay kala soo wareegeen Toffees, waxaana ay sidoo kale sii deysay sawirrada xiddigooda cusub oo xiran maaliyadda kooxda.

Lennon, oo 30 sano jir ah ayaa  Clarets ugu soo biiray heshiis aan qiimihiisa la shaacin, waxaana uu Burnley u xiran doonaa maaliyadda lambarka 25-aad sida ay kooxdu shaacisay.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan