Chelsea oo ku guul dareesan rabto saxiixa Edin Dzeko iyo sababta keentay

0
1052

 

Kooxda Chelsea ayaa u muuqato inay saxiixa weeraryahan Edin Dzeko ku guul dareesan rabto sida Premium Sport ay qortay.

Edin Dzeko oo 30-jir ah diyaar ayuu u ahaa inuu Roma isaga soo dhaqaaqo kuna soo biiro Chelsea balse wuxuu ka niyad jebisay heshiiska Chelsea usoo bandhigtay.

Blues ayaa wakiilka Dzeko u sheegtay inay siinayan qandaraas gaaban oo 12-bilood ama ugu badnaan 18-bilood ah madaama da’diisa 30-sano tahay.

Edin Dzeko ayaa rabay in Chelsea labo ilaa sedex sano ka saxiixo balse dalabkaas waa laga diiday isagana wuxuu gabi ahaan meesha ka saaray qorshihii uu dib ugu soo laaban lahaa EPL.

Dzeko diidmadiisa ayaa kusoo aaday xili Roma iyo Chelsea ay ku wada heshiiyeen €30m cayaaryahankan inuu London ku aado sidoo kalena Chelsea gadaal ka bixiso 8-milyan oo dheeri ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan