Guardiola Oo Diyaar U Ah Inuu Aguero Ku Daro Heshiis Griezmann Ugu Biirayo Etihad

0
1014

Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay qeyb kaga dhigto weeraryahankeeda Sergio Aguero heshiis ay kula saxiixaneyso Antoine Griezmann.

Sida laga soo xigtay The Sun, Citizen ayaa diyaar u ah inay u dirto Atletico Madrid dalab ay ku doonayaan Griezmann.

Weeraryahanka reer France ayaa bartilmaameedka koowaad u ah tababaraha City Pep Guardiola, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 85 milyan oo ginni.

Wargeyska The Sun ayaa yiri: “Atletico waxay la xiriirtay wakiilada Sergio oo ay u arkaan fursad in ay dib ugu soo celiyaan kooxda.

“Pep ma doonayo inuu baxo Sergio Aguero, laakiin waxa uu ka fakirayaa inuu qeyb kaga dhigo heshiiska ay kula soo wareegayaan Antoine Griezmann.

“City waxay sameysay dalab horudhac ah oo ay ku dooneyso Griezmann, laakiin weli si rasmi ah uma bilaaban wadahadalka labada koox.

Barcelona ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan