Lionel Messi oo ka cabsi qaba inuu Antoine Griezmann mari doono jidkii Thierry Henry haddii uu kusoo biiro Barcelona

0
1674

Hogaamiyaha kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu walwal badan ka muujinayo qorshaha ay kooxdiisa Barcelona kula soo wareegeyso weeraryahanka reer France Antoine Griezmann.

Lionel Messi ayaa aaminsan inuu Antoine Griezmann ku dhibtoon doono la qabsiga hannaan ciyaareedka kooxda Barcelona, sidoo kalena wuxuu Messi aaminsan yahay in uusan Antoine Griezmann hal boos kula tartami karin saxiixa cusub ee Catalans Philippe Coutinho.

Barcelona ayaa Coutinho kala soo wareegtay kooxda Liverpool horraantii bishaan Jannaayo iyadoo kusoo iibsatay 142 milyan oo ginni, xiddiga reer Brazil ayaana loo arkaa mid kasoo dhalaali doona Camp Nou Stadium.

Weerarka Barcelona ayaana adkaa ka hor imaanshiyaha Coutinho maadaama ay kooxdu heysatay Messi, Ousmane Dembele, Luis Suarez iyo Gerard Deulofeu. Waxaana hadda lala xiriirinayaa gooldhaliyaha Atletico Madrid Griezmann.

Shabakadda Don Balon ee dalka Spain ayaase qortay in Messi uu ka walwalsan yahay imaanshiyaha laacibkaan oo ay sidoo kale dooneyso kooxda Manchester United.

Messi wuxuu aaminsan yahay in Griezmann uu ku dhici doono kiiskii Theirry Henry oo kale markii uu halyeeyga Arsenal kusoo biiray Barcelona xagaagii 2007dii.

Theirry Henry ayaa la filayey inuu horay kala qabsado Barcelona, laakiin taasi ma aysan dhicin, wuuna dhibtooday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey, isagoo boos joogto ah ka heli waayey weerarka Barcelona oo ay hogaaminayeen Ronaldinho, Samuel Eto’o iyo Messi – waxaana kooxdaas hogaaminayey tababare Frank Rijkaard.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan