DEG DEG: Joao Mario oo ka tagay Inter Milan kuna biiray koox ka dhisan horyaalka Premier League

0
1216

Kooxda kubadda cagta West Ham United ayaa ku dhawaaqday goordhow inay la soo wareegtay xiddiga xulka qaranka Portugal ee Joao Mario.

Waxa ay ciyaaryahankan Joao Mario heshiis amaah illaa dhammaadka xilli ciyaareedka uga soo qaateen kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

25-sano jirkaan ayaa 31 kulan u saftay xulka ku guuleystay Euro 2016 ee Portugal, waxaana la filayaa inuu kulankiisii ugu horreeyey ciyaaro marka bilowga todobaadka kooxdiisu la ciyaari doonto Wigan Athletic tartanka FA Cup.

Mario ayaa u soo saftay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxda, inkastoo uu markii hore diiday firkadda uu ugu biirayo West Ham haddana hadda kooxda Hammers ayaa xaqiijisay saxiixiisa amaahda ah.

Isagoo xiddigan la hadlayey Website-ka kooxdiisa cusub waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado kooxdan ka dhisan London oo uu qibrad ka siyaadsado.

Kooxda West Ham ayaa sidoo kale lagu wargeliyey inay heshiiska ka dhigan karto mid joogto ah oo ay bixin doonto 26 milyan oo gini.

Xiddigan khadka dhexe Mario ayaa kooxda ka dhisan garoonka London u xiran doona maaliyadda lambarka 18-aad, waxaana la warinayaa in heshiiskiisa amaahda ah uu la socdo lacag dhan 1.5 milyan oo gini oo la siinayo kooxda ka dhisan San Siro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan