Jamie Vardy oo ka jawaabay haddii uu ku biirayo kooxda Chelsea – Muxuu yiri?

0
1625

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Leicester City ee Jamie Vardy ayaa hoos u dhigay wararka soo jeedinaya inuu isaga tagi doono garoonka King Power.

Tan iyo markii ay bilaabatay bishaan Janaayo, Vardy waxaa la la xiriirinayey inuu ku biiri doono midkooda kooxaha Everton ama Chelsea, kuwaasoo doonaya inay keenaan ciyaartoy cusub oo Weerarka ah qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Si kastaba ha ahaatee, Vardy ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu sii joogi doono kooxda Dawacooyinka lagu naanayso, halkaasoo xiddiga xulka qaranka England uu ka ciyaarayey tan iyo bishii May ee sanadkii 2012-kii.

31-sano jirkaan ayaa u sheegay Sky Sports News: “Kumaa aniga la ila xiriiriyey maanta? Chelsea, waxaa la la xiriiriyey qof kasta oo aysan lahayn.”

“Waa inaad kaliya sidan oo kale u qaadataa adigoo si adag u xaqiijinaya, kaliya waa warar xan ah, caadiyan waxaas oo dhan waxay u bilaabaan qofku inuu tuuro wax yar oo hadal ah oo lagu qoro Buugaagta.”

“Anigu waxaan ahay ciyaaryahan Leicester ka tirsan, waxaana kaliya aan diiradda saari doonaa Leicester illaa ay kooxdu ii sheegeyso si kale, waxaana doonayaa inaan horumariyo wareegga xiga ee koobka.”

Vardy ayaa dhaliyey 10 gool, isla markaana hal caawin sameeyey 23 kulan oo uu saftay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan