Batshuayi, Aubameyang, Laporte & 15 xiddig kuwaasoo kooxo cusub ku biiri kara ka hor inta uusan xirmin suuqa Janaayo

0
1196

Suuqa Jilaalka ee bishaan Janaayo ayaa albaabada loo laabi doonaa habeenka Arbacadaha ah ee soo aaddan, laakiin weli waxaa jira heshiisyo la filayo inay dhacaan waqtiga yar ee ka haray inuu xirmo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Batshuayi, Aubameyang iyo Laporte ayaa hoggaaminaya 15 ciyaaryahan kuwaasoo la filayo inay kooxo cusub ku biiraan mudada yar ee suuqa ka harsan, waxaana sheekadan soo bandhigay Warsidaha Goal.com.

Hadda halkaan hoose ka eeg 15 xiddig kuwaasoo kooxo cusub ku biiri kara ka hor inta uusan xirmin suuqa Janaayo:-

Arthur – oo ka tagaya Gremio kuna biiri kara Barcelona.

Pierre-Emerick Aubameyang – oo ka tagaya Borussia Dortmund kuna biiri kara Arsenal.

Michy Batshuayi – oo ka tagaya Chelsea kuna biiri kara midkood kooxaha Borussia Dortmund, Sevilla ama Roma.

Gerard Deulofeu – oo ka tagaya Barcelona kuna biiri kara Watford.

Emerson – oo ka tagaya Roma kuna biiri kara Chelsea.

Jonny Evans – oo ka tagaya West Brom kuna biiri kara midkood kooxaha Arsenal ama Man City.

Marouane Fellaini – oo ka tagaya Man Utd kuna biiri kara kooxda Galatasaray.

Fred – oo ka tagaya Shakhtar Donetsk kuna biiraya kooxda Man City.

Olivier Giroud – oo ka tagaya Arsenal kuna biiri kara midkood Kooxaha Chelsea ama Borussia Dortmund.

Aymeric Laporte – oo ka tagaya Athletic Bilbao kuna biiri kara Kooxda Man City.

Luan – oo ka tagaya Gremio kuna biiri kara midkood kooxaha Liverpool, Newcastle ama kooxo kale.

Lucas Moura – oo ka tagaya PSG kuna biiri kara Tottenham.

Javier Pastore – oo ka tagaya PSG kuna biiraya kooxda Inter Milan.

Daniel Sturridge – oo ka tagaya Liverpool kuna biiraya midkooda Kooxaha Newcastle, Inter, West Ham ama West Brom.

Aleix Vidal – oo ka tagaya Barcelona kuna biiri kara kooxda Roma.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan