Man Utd Oo Tallaabo U Jirta Saxiixa Arturo Vidal

0
1007

Manchester United ayaa dalab u dirtay xiddiga kooxda Bayern Munich Arturo Vidal, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Germany.

Wargeyska BILD ayaa sheegay in United ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Chile.

Mustaqbalka Vidal ee Bavaria ayaa halis weyn uu ku jiraa ka dib markii kooxdiisa lasoo wareegtay Leon Goretzka oo kaga yimid Schalke.

Madaxda kooxda Allianz Arena ka dhisan ayaa haatan lacag kaash ah ku doonaya Vidal madaama uu doonayo inuu ka dhaqaaqo kooxda.

Waxaa la rumeysan yahay in Jose Mourinho uu doonayo saxiixa Vidal oo loo arko mid wax badan ka qaban kara dhibaatada khadka dhaxe ee garoonka Old Trafford.

Vidal ayaa lala xiriirinayay Manchester United intii uu joogay Louis van Gaal, waxaana Mourinho uu u arkaa ciyaaryahankaan bedelka ugu saxan ee Michael Carrick.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan