Alexis, Coutinho & Van Dijk oo hoggaaminaya 11-ka ciyaaryahan ee illaa iyo haatan lagala wareegay suuqa bisha Janaayo

0
564

Suuqa kala iibisiga xiddigaha bishan Janaayo ayaa gabo-gabo ah, iyadoo ay jiraan saxiixyo waa weyn oo kooxaha qaar ay sameeyeen intii lagu guda jiray bishaan.

Haddaba shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa Shax ka sameysay 11-ka ciyaaryahan ee illaa iyo haatan lagala wareegay suuqa kala iibsiga xiddigaha bishan Janaayo, waxaana hoggaaminaya Alexis, Coutinho & Van Dijk oo ku kala biiray Man Utd, Barcelona iyo Liverpool.

Goolhaye: Julio Cesar

Halyeyga xulka qaranka Brazil ayaa isaga tagay kooxda Benfica waxaana uu ku biiray kooxdii carrurnimadiisa ee Flamengo.

Difaac: Virgil van Dijk

Hadda waa difaaca ugu qaalisan kubadda cagta adduunka, kaddib markii uu 75 milyan oo giniga istarliinka ah uga soo dhaqaaqay kooxda Southampton oo uu ku soo biiray Liverpool, xiddiga xulka qaranka Holland ayaana qaab sare ku bilowday waayihiisa Merseyside-ka, isagoo goolka guusha u dhaliyey kulankii ay ka badiyeen Everton.

Difaac: Javier Mascherano

Waxa uu soo gabagabeeyey todobo sano iyo bar uu ku qaatay koxda Barcelona, Mascherano ayaana bishaan dhammaystiray ku biiristiisa naadiga Hebei China Fortune ee ka dhisan horyaalka Waddanka Shiinaha ee Chinese Super League.

Difaac: Yerry Mina

Barca ayaa si dhaqso ah u xaqiijisay xiddiga u bedeli lahaa booska difaaca ee uu banneeyey Mascherano, waxaana ay la soo wareegtay xiddiga xulka qaranka Colombia ee Yerry Mina, kaasoo ay naadiga Palmeiras uga soo qaateen 11.8 milyan oo euro.

Garab midig: Theo Walcott

Waxa uu Walcott soo afjaray waayihiisii garoonka Emirates, waxaana uu xiddiga xulka qaranka England doortay meel uu ka ciyaari karo daqiiqado badan, isagoo naadiga Toffees lagu naanays ee Everton ugu biiray adduun dhan 20 milyan oo gini.

Khadka Dhexe: Ross Barkley

Kooxda haysata horyaalka Premier League ee Chelsea ayuu bishaan ku biiray taasoo muddo dheer baadi goob ugu jirtay saxiixiisa, Barkley ayaana goostay inuu ka soo dhaqaaqo garoonka Goodison Park, isagoo 15 milyan oo gini ku yimid kooxda ka dhisan Galbeedka London kuna dheesha garoonka Stamford Bridge.

Khadka Dhexe: Rafinha

Ku soo biiritaankii Philippe Coutinho ee kooxda Barcelona ayaa xiddigan caqabad weyn ku noqotay, waxaana Rafinha uu amaah ugu dhaqaaqay garoonka San Siro si uu ugu ciyaaro Inter Milan, waxaana ay dooq u haystaan haddii uu anfaco inay si joogto ah ugu gadan karaan 35 milyan oo euro.

Garab Bidix: Henrikh Mkhitaryan

Xiddigii hore ee Manchester United Mkhitaryan ayaa ku biiray kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Arsenal, iyadoo la aaminsan yahay inay isku dhaceen isaga iyo tababare Jose Mourinho.

Weerar Midig: Alexis Sanchez

Waxa uu ahaa magaca ugu weyn ee horyaalka Premier League ka dhex muuqday bishaan illaa iyo hadda, waxa uu ka soo tagay Arsenal, isagoo ku biiray Manchester United, waxaana heshiiskaas qeyb ka ahaa Mkhitaryan oo u guuray dhinaca Gunners.

Weerar Bidix: Philippe Coutinho

Waxa uu saxiix rikoor ah u noqday kooxda Barcelona, taasoo ku dhammaystirtay xiddigan 135 milyan oo euro, xiddiga xulka qaranka Brazil ayaana bishaan go’aansaday inuu isaga tago kooxda Liverpool, waxaana hadda uu labo guulood kula gaaray Camp Nou kooxdiisa Blaugrana.

Weerar Dhexe: Daniel Sturridge

Inuu ku jiro kursiga keydka Liverpool, waxa uu weeraryahankan ka doortay inuu amaah ugu biiro West Brom si uu uga fakaro rajada koobka adduunka ee xulkiisa qaranka England.

HADDABA HALKAAN HOOSE KA EEG SHAXDA OO DHAMMAYSTIRAN:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan