Macalin Antonio Conte oo soo dhaweeyay imaatinka Emerson Palmieri

0
824

 

Kooxda Chelsea ayaa lagu wadaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameestirto heshiiska Emerson Palmieri garoonka Stamford Bridge ku imaanayo.

Cayaaryahankan garabka bidix daafaca ka cayaaro kooxdiisa Roma wey soo fasaxday wuxuuna soo gaari doonaa London saacada nagu soo fool leh si uu tijaabo caafimaad Blues ugu maro.

Macalin Conte oo ku faraxsan imaatinka Emerson Palmieri wuxuu yiri “Aqoon badan uma lihi waayo xili cayaareedkii hore dhaawac xun ayaa soo gaaray wax badana Roma ma uusan u cayaarin”

“Laakiin waxaan ku faraxsanahay la shaqeynta Emerson sidoo kalena maamulka wey ka jawaab celiyeen baahida ah in cayaartooy dheeraad ah inaan helno kadib markii Kennedy la fasaxay”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan