AC Milan Iyo Lazio Oo Afar Maalmood Gudahood Markii Labaad Kulmaya

0
340

Giacomo Bonaventura ayaa goolka guusha u dhaliyey AC Milan oo gaartay guushii seddexaad oo xiriir ah Serie A toddobaadkaaan markii ay 2-1 ku garaaceen Lazio.

Weeraryahanka dhalinyarada ah ee xulka Talyaaniga Patrick Cutrone ayaa si dhaqso ah hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa ka hor inta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Adam Marusic gool barbaro ah dhalin.

AC Milan ayaa indhaha ku heysa inay guushii labaad ka hesho Lazio afar maalmood gudahood marka ay martigeliyaan kooxda Simone Inzaghi lugta hore ee semi-finalka Coppa Italia caawa.

AC Milan ayaa 2-1 kaga badisay Lazio kulan ka dhacay San Siro, laakiin guushaas ayaa timid ka dib markii ay soo bandhigtay qaab ciyaareed muran leh kooxda Milan.

Patrick Cutrone oo kusoo bilaabay weerarka AC Milan ayaa loo ogolaaday kualnakas kubada gacanta kaga dhacday oo gashay shabaqa.

“Waa wax cajiib ah, si daacadnimo ah marka loo hadlo, mana aqaan si aan u sharaxo goolkaas” ayuu Inzaghi u sheegay Mediaset Premium ka dib ciyaarta.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA:Giuseppe Meazza  

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Ciro Immobile, oo ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Lazio, ayaa kusoo laabtay tababarka, ka dib dhaawac muruqa ah oo la maqnaa, lakiin waxa shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka caawa.

Dhanka kale, Milan ayaa waxaa ka maqnaan doona Andrea Conti oo qaba dhaawac jilibka ah tan iyo bishii September.

Patrick Cutrone ayaa laga yaabaa inuu seego kulankaan, madaama uu wajihi doono ganaax labo kulan ah kadib goolkii uu ku dhaliyay gacanta kulankii Lazio ee afar maalmood ka hor.

XAQIIQADA KULANKA

Lazio oo kaalinta 3aad ku jirta ayaan laga badin lix kulan oo horyaalka ah oo ay ku ciyaareen gurigooda.

Ciyaartoyda Simone Inzaghi ayaa markii ugu waxaa gurigooda ku garaacay Torino 11kii December, waxaana ay kujiraan bandhigii ugu fiicnaa gurigooda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan