DEG DEG: Kooxda Arsenal oo xaqiijisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang

0
1293

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa daqiiqado ka hor shaacisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang, kaasoo ay maanta kala soo wareegtay naadiga Borussia Dortmund.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda Arsenal, kaddib markii uu maanta ku soo biiray garoonka Emirates, oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda reer Jarmal.

“Waxaan idiin xaqiijin karnaa in Pierre-Emerick Aubameyang uu xiran doono maaliyadda lambarka 14-aad” ayuu u dhignaa qoraal ay Website-keeda rasmiga ah goor dhow ku shaacisay kooxda Arsenal.

Auba ayaa la siiyey lambarkii uu siibay Theo Walcott oo Gunners u xiran jiray, kaasoo loo ogolaaday inuu bishaan ku biiro kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Everton.

Sidoo kale marbarkan 14-aad, waxaa kooxda Arsenal u soo xirtay halyeygoodii Thierry Henry, haatan taageerayaasha Arsenal ayaa maaliyadda lambarka 14-aad Aubameyang ee Gunners si rasmi ah u iibsan kara.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan