DEG DEG: Michy Batshuayi oo ka gudbay tijaabadii caafimaad ee uu u maray kooxda Borussia Dortmund

0
460

Sida wararku ay sheegayaan Michy Batshuayi  ayaa ka gudbay tijaabadii caafimaad ee uu u maray kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka, isagoo qarka u saaran hadda inuu dhammaystiro heshiiska amaahda ah ee uu uga tagayo Chelsea.

Xiddiga xulka qaranka Belgian ayaa maanta oo ah maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga xiddigaha lagu wadaa inuu heshiis amaah au ugu biiro kooxda Borussia Dortmund.

Laacibkan Batshuayi ayaa sawir laga helay isagoo xerada tababarka Dortmund ku maraya caafimaadka, markaasoo uu weliba xirnaa buumaha kooxda  Borussia.

Chelsea ayaa bedelka Batshuayi ka dhiganaysa Olivier Giroud kaasoo ay kala soo wareegeyso Arsenal oo iyana dhankeeda maanta dhammaystirtay saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang oo ay 56 milyan oo gini uga soo qaateen Dortmund.

Inuu Aubameyang u soo dhaqaaqay Gunners ayaa ka dhigan in Giroud ay u badan tahay inuu heshiis 18 milyan oo giniga Istarliinka ah ugu biiro Chelsea, iyadoo Dortmund sidoo kale la filayo inay xaqiijiso saxiixa Batshuayi.

Wixii ku soo kordha heshiisyada Olivier Giroud uu ku aadayo Chelsea iyo haddii ay kooxda Dortmund xaqiijiso saxiixa Batshuayi waan idiin soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah..

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan