DEG DEG: Sandro Ramirez oo ka tagay Everton kuna biiray kooxda…

0
964

Kooxda kubadda cagta Sevilla ayaa goordhow xaqiijisay saxiixa Sandro Ramirez, kaasoo ay amaah illaa dhammaadka xilli ciyaareedka ay uga qaateen naadiga Everton.

22-sano jirkaan ayaa intii lagu gud ajiray xagaaga Everton kaga soo biiray Malaga, laakiin kaliya waxa uu saddex kulan ku soo bilowday ciyaaraha Premier League, isagoo 13 kulan u saftay tartammada oo dhan naadiga Toffees tan iyo markii uu ku soo biiray.

Everton ayaa maanta waxa ay shaaca ka qaaday inay heshiis Sevilla kaga gaareen inuu xidigan amaah ku aado, iyadoo kooxda ka dhisan LaLiga ay hadda si rasmi ah u xaqiijisay saxiixiisa, isla markaana ay sheegtay inuu ka gudbay tijaabada caafimaad.

“Sandro Ramírez waxa uu ku baasay tijaamada caafimaad saakay, waxaana uu heshiis cusub u saxiixay Sevilla FC, kaddib markii ay heshiis amaah ah Talaadadii ka gaareen Sevilla iyo Everton, Weeraryahanku waxa uu maanta u soo safrayaa Leganés sii ula kulmo saaxiibadiisa cusub ee ay isku kooxda yihiin” ayuu u dhignaa bayaan ay soo saarkay kooxda reer Spain oo ay ku daabacday Website-keeda rasmiga ah.

Sandro ayaa kulankiisii ugu horreeyey kooxdiisa cusub ee Sevilla u safan kara kulanka ay Sabtida la ciyaarayaan naadiga Eibar ee ka tirsan kulamada horyaalka La Ligaha Spain.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan