Eliaquim Mangala Oo Dhameystiray Heshiis Uu Kaga Tagay Man City- Muxuuse Yiri?

0
1051

Daafaca Manchester City Eliaquim Mangala ayaa si amaah inta ka dhiman xili ciyaareedka ugu wareegay Everton sida ay xaqiijiyeen labada koox.

26 jirkaan ayaa ku dhibtoonayay inuu qaab ciyaareed sarre helo tan iyo markii uu Etihad Stadium kaga soo biiray kooxda Porto sannadkii 2014kii.

Mangala ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ku qaatay Valencia, waxaana uu xili ciyaareedkaan 15 kulan u saftay City tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha daafacii kooxda Athletic Bilbao Aymeric Laporte ayaa ku qasabtay Mangala inuu doorto ku biirista Everton.

“Waan ku faraxsanahay inaan fursad u helo u ciyaarista kooxda Everton,” ayuu yiri daafaca reer France ee Mangala.

“Ma sugi karo inaan xirto maaliyada caanka ah ee boqortooyada, waxaan siin doonaa taageerayaasha wax walba oo ay iga filayaan” ayuu yiri Mangala.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan