Ka Bogo xiddigaha yimid iyo kuwa ka tagay Suuqa Janaayo Kooxaha waa weyn ee Yurub… + SAWIRRO

0
436

Waxaa xalay Irdaha loo laabay suuqa kala iibsiga xiddigaha Yurub Jilaalka ee bisha Janaayo, iyadoo xiddigo waa weyn ay ku biireen kooxo cusub kuwo kalena ay ka tageen kooxihii lagu yacaanay.

Horyaalka dalka Portugal ayaa isagu kaliya xirmi doona maalinta berri ah, laakiin inta ee horyaalladda Yurub xalay ayaa albaabada loo laabay.

Waxaan haddaba halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa xiddigaha yimid iyo kuwa ka tagay kooxaha waa weyn ee Yurub:-

Waxaa yimid Barca: Coutinho oo ay kula soo wareegtay 120m euros + 40m oo abaal-marin ah iyo Yerry Mina oo ay ku soo qaateen 12m euros.

Waxaa ka Tagay Barca: Rafinha oo amaah ugu biiray Inter Milan, Arda Turan oo isna amaah ku aaday Basaksehir, Mascherano oo ay 5.5m euros uga iibiyeen Hebei Fortune iyo Deulofeu oo amaah ugu biiray kooxda Watford.

Waxaa yimid Atletico: Vitolo oo ay ku soo qaateen 36m euros iyo Diego Costa oo ay kuala soo wareegeen 55+10m euros.

Waxaa ka tagay Atletico: Vietto oo ku biiray Valencia, Moreira oo aaday Os Belenenses iyo Augusto oo ka mid noqday Beijing Renhe.

Waxaa yimid Liverpool: Van Dijk oo ay kula soo wareegeen 85m oo euros.

Waxaa ka tagay Liverpool: Coutinho oo 120m oo euros ugu biiray kooxda Barcelona, Sturridge oo amaah ku aaday West Brom iyo Grujic oo u dhaqaaqay Cardiff.

Waxaa yimid Man City: Laporte oo ay 65m oo euros kula soo wareegeen.

Yaa ka tagay Man City?: Ma jiro ciyaaryahan ka tagay City intii lagu guda jiray Suuqa bishii Janaayo.

Waxaa u yimid Arsenal: Aubameyang oo u ku soo qaateen 65m oo euros, Mkhitaryan oo ugu soo biiray heshiiskii si dhaafisa ahaa ee uu Alexis Sanchez ku aaday Man United iyo Mavropanos oo ay kula soo wareegeen 2m oo euros.

Waxaa ka tagay Arsenal: Alexis Sanchez oo ku biiray Man United, Walcott oo 20m oo euros ugu biiray kooxda Everton, Coquelin oo u dhaqaaqay Valencia, Giroud oo 20m oo euros ku aaday kooxda Chelsea.

Waxaa u yimid Chelsea: Emerson Palmieri oo ay kula soo wareegeen 20m oo euros, Barkley oo ay ku soo qaateen 17m oo euros iyo Giroud oo isna ku yimid 20m oo euros.

Waxaa ka tagay Chelsea: Diego Costa oo ku biiray Atletico Madrid, Musonda oo amaah ku aaday kooxda Celtic iyo Batshuayi oo isna amaah ugu biiray Dortmund.

Waxaa u yimid Man United: Alexis Sanchez oo ay Arsenal uga soo qaateen heshiis isku bedelasho ah oo uu Mkhitaryan ku aaday Gunners.

Waxaa ka tagay Man United: Waxaa ka tagay Mkhitaryan oo ku biiray kooxda Arsenal, kaasoo qeyb ka ahaa heshiiskii uu Sanchez ku yimid Old Trafford.

Waxaa u yimid Tottenham: Lucas Moura oo ay kula soo wareegeen 30m oo euros, kaasoo ka soo dhaqaaqay PSG.

Yaa ka tagay Tottenham?: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Spurs.

Waxaa u yimid Borussia: Akanji oo ay ku soo qaateen 21m oo euros, Sergi Gomez oo ay kula soo wareegeen 3m oo euros iyo Batshuayi oo ay amaah uga soo qaateen Chelsea.

Yaa ka tagay Borussia?: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Dortmund.

Waxaa u yimid Valencia: Vietto oo ay amaah ku soo qaateen, Coquelin oo ay amaah uga keensadeen Arsenal, balse waxaa jira dooq uu 14m euro si joogta ah ugu biiri karo.

Waxaa ka tagay Valencia: Orellana oo ku biiray Eibar, Mir oo aaday Wolverhampton iyo Nacho Gil oo u dhaqaaqay Las Palmas.

Waxaa u yimid Sevilla: Arana oo ay ku soo qaateen 11m oo euros, Layún, Roque Mesa  iyo Sandro oo dhammaanteed ay amaah kula soo wareegeen.

Waxaa ka tagay Sevilla: Montoya oo ku biiray Cruz Azul, Krohn-Dehli oo aaday Deportivo iyo Lasso oo u dhaqaaqay Osasuna.

Waxaa u yimid Bayern Munich: Sandro Wagner (13m euros)

Yaa ka tagay Bayern Munich: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Bayern.

Waxaa u yimid Real Madrid: Ma jiro ciyaaryahan ay la soo wareegtay Real Madrid

Yaa ka tagay Real Madrid: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Los Blancos.

Waxaa u yimid Juventus: Ma jiro ciyaaryahan ay la soo wareegtay Juve

Yaa ka tagay Juventus: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Juve.

Waxaa u yimid PSG: Lass Diarra oo ugu soo biiray beeca xorta ah.

Waxaa ka tagay PSG: Lucas Moura oo 25m oo euros ugu biiray Tottenham iyo Remy Descamps oo u dhaqaaqay Tours.

Waxaa u yimid Inter Milan: Rafinha oo ay amaah uga soo qaateen Barcelona iyo Lisandro Lopez oo isna ay heshiis amaah ah kula soo wareegeen.

Yaa ka tagay Inter Milan?: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Inter.

Waxaa u yimid Napoli: Machach oo ay ku soo qaateen beeca xorta ah.

Yaa ka tagay Napoli: Ma jiro hal ciyaaryahan oo suuqa Janaayo ka tagay Napoli.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan