LA OGAA: Maxay Tahay Sababta Ka Hor Istaagtay Barcelona Saxiixa David Alaba?

0
1387

Xoghayaha farsamada kooxda Barcelona ayaa la aaminsan yahay in uu weydiistay madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu lacag lagu soo iibiyo daafaca Bayern Munic David Alaba.

Daafaca kooxda Bayern Munich David Alaba ayaa ku jiray liiska ciyartooyda suuqa kala iibsiga Barcelona ka dooneysay xagaagan.

Xoghayaha farsamada kooxda Barcelona Fernández ayaa weydiistay intii uu furnaa suuqa madaxweyne Bartomeu lacag uu kula soo wareego Alaba

Kooxda La Liga hogaamineysa ayaa muddo dheer xiiseyneysa Alaba, iyadoo xoghayaha farsamada kooxda Robert Fernández la fahamsan yahay inuu madaxweynaha weydiistay lacag lagu soo iibiyo xiddiga reer Austria.

Daafaca Bayern Munich David Alaba ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro labada boos ee kala ah daafaca bidix iyo khadka dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Barçelona ayaa qarka u fuushay inay Bayern ka dhaadhiciso heshiis ay ku doonayeen 25 jirkaan, ka hor inta uusan saxiixin heshiis shan sanno ah sannadkii 2016kii.

Madaxweynaha Bavarians Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku dhawaaqay waqtigaas in David Alaba muhiim u yahay kooxdiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan