Shax laga sameeyey 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiicnaa ee lagala wareegay suuqa bisha Janaayo – Yaa kaga jira kooxdaada?

0
1942

Suuqa kala iibisiga xiddigaha bishan Janaayo ayaa xalay la soo gabagabeeyey, iyadoo ay jiraan saxiixyo waa weyn oo kooxaha qaar ay sameeyeen intii lagu guda jiray bishii xalay dhammaatay.

Haddaba shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa Shax ka sameysay 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiicnaa ee lagala wareegay suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo, waxaana hoggaaminaya Alexis, Coutinho & Van Dijk oo ku kala biiray Man Utd, Barcelona iyo Liverpool.

Goolhaye: Julio Cesar

Halyeyga xulka qaranka Brazil ayaa isaga tagay kooxda Benfica waxaana uu ku biiray kooxdii carrurnimadiisa ee Flamengo.

Difaac: Virgil van Dijk

Hadda waa difaaca ugu qaalisan kubadda cagta adduunka, kaddib markii uu 75 milyan oo giniga istarliinka ah uga soo dhaqaaqay kooxda Southampton oo uu ku soo biiray Liverpool, xiddiga xulka qaranka Holland ayaana qaab sare ku bilowday waayihiisa Merseyside-ka, isagoo goolka guusha u dhaliyey kulankii ay ka badiyeen Everton.

Difaac: Javier Mascherano

Waxa uu soo gabagabeeyey todobo sano iyo bar uu ku qaatay koxda Barcelona, Mascherano ayaana bishaan dhammaystiray ku biiristiisa naadiga Hebei China Fortune ee ka dhisan horyaalka Waddanka Shiinaha ee Chinese Super League.

Difaac: Aymeric Laporte

Xiddiga mudada dheer bartilmaameedka u ahaa tababare Pep Guardiola ayey Manchester City kula soo wareegtay adduun dhan 57 milyan oo giniga istarliinka ah, iyadoo difaaca dhexe ee reer France uu garoonka Etihad uga soo dhaqaaqay Athletic Club.

Garabka Midig: Lucas Moura

Xiddigan ayaa ka soo dhaqaaqay garoonka Parc des Princes, kaddib markii uu Lucas ka soo tagay  Paris Saint-Germain waxa uu ku soo biiray maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga naadiga Tottenham, iyadoo xiddiga xulka qaranka Brazil uu 25 milyan oo gini ugu biiray Spurs.

Khadka Dhexe: Ross Barkley

Kooxda haysata horyaalka Premier League ee Chelsea ayuu bishaan ku biiray taasoo muddo dheer baadi goob ugu jirtay saxiixiisa, Barkley ayaana goostay inuu ka soo dhaqaaqo garoonka Goodison Park, isagoo 15 milyan oo gini ku yimid kooxda ka dhisan Galbeedka London kuna dheesha garoonka Stamford Bridge.

Khadka Dhexe: Rafinha

Ku soo biiritaankii Philippe Coutinho ee kooxda Barcelona ayaa xiddigan caqabad weyn ku noqotay, waxaana Rafinha uu amaah ugu dhaqaaqay garoonka San Siro si uu ugu ciyaaro Inter Milan, waxaana ay dooq u haystaan haddii uu anfaco inay si joogto ah ugu gadan karaan 35 milyan oo euro.

Garab Bidix: Henrikh Mkhitaryan

Xiddigii hore ee Manchester United Mkhitaryan ayaa ku biiray kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Arsenal, iyadoo la aaminsan yahay inay isku dhaceen isaga iyo tababare Jose Mourinho.

Weerar Midig: Alexis Sanchez

Waxa uu ahaa ka mid ahaa magacyada ugu weyn ee horyaalka Premier League ka dhex muuqday bishii la soo dhaafay, waxa uu ka soo tagay Arsenal, isagoo ku biiray Manchester United, waxaana heshiiskaas qeyb ka ahaa Mkhitaryan oo u guuray dhinaca Gunners.

Weerar Bidix: Philippe Coutinho

Waxa uu saxiix rikoor ah u noqday kooxda Barcelona, taasoo ku dhammaystirtay xiddigan 135 milyan oo euro, xiddiga xulka qaranka Brazil ayaana bishii Janaayo go’aansaday inuu isaga tago kooxda Liverpool, waxaana hadda uu guulo ku gaarayaa garoonka Camp Nou iyo kooxdiisa Blaugrana.

Weerar Dhexe: Pierre-Emerick Aubameyang

Saxiixa cusub ee Arsenal ayaa ugu dambeyn heshiis rikoor ka noqday kooxda ugu biiray kaddib markii uuka soo tagay Borussia Dortmund, maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo, iyadoo tababare Arsene Wenger uu raadinayey laacib uu ku buuxiyo booska uu banneeyey Alexis Sanchez.

HADDABA HALKAAN HOOSE KA EEG SHAXDA OO DHAMMAYSTIRAN:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan