Xiriirka FIFA oo wax ka bedelay sharciyadii kala iibsiga ciyaartoyda horyaalka Ingiriiska

0
1059

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyay in naadiyada Horyaalka Ingiriiska ay ciyaartooy cusub iibsan karaan laga bilaabo 9 bisha June.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii kooxaha waaweyn ee Ingiriisku ay ku baaqeen in Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier League la xiro inta uusan bilaaban Horyaalka kubadda cagta dalkaasi, waana middaas tan keentay in FIFA ay xeerkan cusub soo saaraan.

Xagaagani, kooxaha Ingiriiska waxaa u furan in ay laacibiin cusub soo iibsadaan laga bilaabo 9 bisha June  illaa 9 bisha August.

Waxaa kaloo iyana meesha ku jiri doonta in ciyaartoyda loo ogolaan doono in ay u wareegaan kooxaha ajnabiga ah illaa dhammaadka bisha Agoosto.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan