Pierre-Emerick Aubameyang oo noqday xiddigii 50-aad ee kooxda Arsenal…

0
503

Saxiixa cusub ee kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa caawa ku soo bilowday safka hore ee kulanka kooxdiisa ay wajahayso naadiga Everton ee horyaalka Premier League, isagoo sidaas ku safanaya kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda ka dhisan garoonka Emirates.

Aubameyang ayaa ku soo biiray naadiga Gunners maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, waxaana ay 60 milyan oo gini uga soo qaadatay kooxda Borussia Dortmund.

Waxa uu ku soo bilowday caawa kulanka kooxdiisa Arsenal ay garoonkeeda Emirates haatan kula ciyaareyso Everton, isagoo sidaas ku noqday xiddii 50-aad ee qaramo kala duwan ka soo jeeda oo u saftay kulan Premier League ah kooxda Arsenal.

Xiddiga xulka qaranka Gabon ayaa caawa noqday xiddigii 50-aad ee qaramo kala duwan ka soo jeeda oo horyaalka Premier League u metela kooxda kubadda cagta Arsenal, taageerayaasha Gunners ayaana wax badan ka filayana caawa weeraryahankooda cusub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan