RASMI: Bacary Sagna oo ku biiray koox ka dhisan dalka Talyaaniga

0
680

Kooxda kubadda cagta Benevento ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa dhammaystirtay saxiixa Bacary Sagna, waxaana ay ku qaateen difaacan heshiis ku eg illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sagna ayaa beeca xorta ah ku baxay tan iyo markii ay siideystay kooxda Manchester City dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana kooxaha doonayey saxiixa 34-sano jirkaan ka mid ahayd Crystal Palace.

Si kastaba, difaacan garabka midig ayaa hadda dhammaystiray ku biiristiisa Benevento, sida ay shaacisay kooxda ka dhisan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

“Saakay Caravaggio Sporting Village ee Naples waxaa uu heshiis ku dhexmaray Benevento Calcio iyo ciyaaryahan Bacary Sagna.” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay kooxda.

“Madaxweyne Oreste Vigorito ayaa difaacan reer France oo asalkiisu yahay Senegal ka saxiixay illaa 30 bisha June.”

Sagna ayaa ku soo bilaaban doona kulanka kooxdiisa cusub ee Benevento u safri doonto Naadiga Roma 11-ka bisha Febraayo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan