Liverpool oo lagu dhiiri galinaayo inay lasoo saxiixdaan goolhaye Gianluigi Donnarumma

0
441

 

Naadiga Liverpool waxay ku mashquulsan tahay soo iibsashada goolhaye Alisson oo naadiga AS Roma ka tirsan.

Laakiin cayaaryahankii hore xulka Venezuela Alejandro Moreno kana tirsan falan qeeyayaasha ESPN ayaa Liverpool ku booriyay inay lasoo saxiixdaan goolhaye Gianluigi Donnarumma oo AC Milan shabaqa u qabto.

Liverpool labadeeda goolhaye Simon Mignolet iyo Loris Karius waa kuwo fashil ku sugan sidoo kalena macalin Jurgen Klopp dhawaan wuxuu qirtay xagaagan inay diirada saari doonaan helista goolhaye awood badan.

Qabiir Alejandro Moreno wuxu yiri “Liverpool iyo goolhaye Donnarumma wey isku baahan yihiin madaama uusan ku qanacsaneyn kooxdiisa AC Milan”

“Donnuramma waa goolhaye 10-ka sano soo socoto Liverpool shabaqa u ilaalin karo isaga ayaa Allison kaga wanaagsan marba hadii ay lacago suuqa ku bixinayaan helista goolhaye tayo wanaagsan”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan