Maamulka Napoli oo waddaan qorshe dhabar jab ku ah kooxda Chelsea

0
671

Maamulka kooxda Napoli ayaa doonayo inay dhawaan la kulmaan Maurizio Sarri iyaga oo doonayo inay ka saxiixdaan qandaraas cusub xilli macalinkaan loogaaga gacan haatinayo horyaalka Ingiriiska.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa cadeeyey in Sarri uu yahay shaqsiga ku haboon kooxdiisa waxa uuna wadaa qorshe uu dhamaadka xilli ciyaareedkaan ugu badalayo booska Antoine Conte.

Aurelio De Laurentiis ayaase doonayo inuu hoos u dhigo qorshaha milkiilaha Chelsea waxa uuna damacsan yahay inuu heshiis la meel dhigo ninka loo aqoonsaday inuu yahay mid kamid ah macalimiinta ugu wanaagsan dalka Talyaaniga.

Chelsea ayaa ku qasbanaan doonta inay si dhaqsi ah heshiis ula gaarto Sarri waa hadii ay si dhab ah u doonayaan inay ku badashaan booska Conte.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Napoli ay caawa wajahi doonto dhigeeda Benevento balse qorshaha ugu weyn ee kooxda ka dhisan garoonka Sao Paolo ayaa ah qaabkii ay macalinkooda heshiis cusub ugu saxiixan lahaayeen.

 

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan