Tababare Max Allegri oo xaqiijiyay mid ka mid ah xidigahiisa ugu muhiimsan inuu seegayo kulanka Tottenham Hotspur.

0
547

Tababare Max Allegri ayaa xaqiijiyay in Blaise Matuidi uu seegi doono kulanka lugta hore wareega 16-ka Champions League oo ay la ciyaari doonaan Tottenham Hotspur.

Xidigaan reer France ayaa badal lagu sameeyay daqiiqadii 27-aad qeybta hore ciyaarta kulankii ay Juventus 7-0 ku xasuqday Sassoulo kadib markii uu dhaawacmay, waxaana soo galay ciyaarta Claudio Marchisio.

30-jirkaan heerka caalami ayaan kasoo muuqan doonin kulanka 13-ka February labada kooxod ku dhexmari doona Juventus Stadium, sidoo kale kulanka ay jimcaha la ciyaari doonaan Fiorentina.

“Matuidi ma heli doono kulanka Tottenha, waxaan u maleynayaa inuu qabo dhaawac muruqa ah” ayuu yiri Allegri.

Dhanka kale Juventus waxey kulankaas fileysaa iney ciyaaraan Andrea Barzagli, Sami Khedira iyo Daniele Rugani

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan