Xiddig ka tirsan kooxda Atletico Madrid oo ilkaha laga tuuray ka dib markii ay goolhaye isku dhaceen (Sawirro)

0
795

Daafaca kooxda Atletico Madrid Diego Godin ayaa waxaa ka dhacay dhowr ilkood markii ay isku dhaceen goolhayaha kooxda Valencia Norberto Murara Neto kaasoo loo aqoon ogyahay Neto.

Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa guul 1-0 ah gaartay kulankaan oo dhacay Axadii, tababare Diego Simeone ayaana si aad ah uga carooday sababta aan kooxdiisa Atletico Madrid loogu abaalmarin rigoore uu dareemay inay xaq u lahaayeen.

Daafaca heerka caalami ee dalka Uruguay Diego Godin ayaa bedel lagu sameeyey markii ay si shil ah isugu dhaceen goolhayaha kooxda Valencia Norberto Murara Neto kaasoo xusul ku dhuftay dhowr iligna ka tuuray xilli uu isku deyayey inuu laad xor ah badbaadiyo bilowgii qeybtii koowaad.

Neto ma uusan helin kubadda, laakiin wuxuu bedelkeeda ku dhacay Godin isagoo ilkaha ka tuuray, daqiiqadii 51aad ayaana la bedelay daafaca reer Uruguay oo afka ka dhiigaya.

Tababare Simeone ayaa oo careysan ayaa ciyaarta ka dib warbaahinta u sheegay: “Ma waxay aheyd inay Valencia disho qof naga mid ah si aan rigoore u helno, marba haddii qaladkii lagu galay Diego Godin aan rigoore naloogu dhigin?”.

Daafaca Atletico Madrid Stefan Savic ayaa sidoo kale loo bedelay dhaawac kasoo gaaray cajirka.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan