Warbixin xiiso badan: 13-ka xidig ee Ligue 1 ugu mushaarka badan 12-ka mid ah PSG ayay tirsan yihiin

0
880

 

Awooda PSG horyaalka France ku heesato gudaha garoonka kaliya kuma eko sidoo kalena waa naadiga mushaarka ugu badan bixiso horyaalkaan.

Shabakada L’Équipe ayaa soo daabacday cayaartooyda ugu mushaarka badan Ligue 1-ka France xili cayaareedkan 2017/18 waxaana la yaab noqotay 13-ka xidig ee horyaalkaan ugu mushaarka badan 12-ka mid ah inay PSG u cayaaraan.

Neymar wuxuu mushaar ahaan u qaataa lacag la eg isku darka ay mushaar ahaan u qaataan Cavani iyo Mbappe waxayna sedexdooda wadar ahaan Paris kaga qaataan €73.28m sanad walbo!

Falcao ayaa ah cayaaryahanka kaliya ee aan PSG u cayaarin kaasi oo kasoo muuqday 10-ka xidig ee Ligue 1-ka France ugu mushaarka badan.

Neymar kaligiis wuxuu sanad walbo Paris ka qaataa 36.8m euro kumana jirto lacagaha kale ee guno ahaan loo siiyo ama guulaha uu kooxda gaarsiiyo ama goolasha uu dhaliyo ama caawiyo.

Fadlan hoos kaga bogo 13-ka xidig ee Ligue 1-ka France xili cayareedkan ugu mushaarka badan ayadoo 12-ka mid ah PSG u cayaaraan iyo xidigaha kale ee liiskan soo galeen:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan