Manchester City Oo Soo Bandhigtay Qorshe Paulo Dybala Kaga Dulqaadeyso Man Utd

0
783

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay sameyso qorshe ay ku dooneyso inay y kusoo xerogeliso xiddiga Juventus Paulo Dybala.

Sky Blue ayaa diyaar u ah in heshiiska ciyaaryahankaan ku garaacdo Manchester United, sida laga soo xigtay wargeyska Caught Offside.

Tababare Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu weli suuqa ugu jiro weeraryahan cusub ka dib markii uu ku fashilmay saxiixa Alexis Sanchez oo doortay Red Devils bishii Janaayo.

Matteo Darmian ayaa waxaa laga yaabaa in loo isticmaalo heshiiska  United ku dooneyso Dybala, laakiin City ayaa diyaar u ah inay bixiso qiimaha ay ku qanci karto kooxda Juventus.

Iyadoo mustaqbalkiisa ciyaareed ee Juventus aan la hubin Dybala haddana waxa uu qandaraas ilaa 2022ka ah kula jiraa kooxda ka dhisan Serie A.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan