Angel Di Maria oo shaaciyey midka fiican Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, maadaama uu labadaba ka garab ciyaaray!

0
1691

Laacibkii hore ee kooxda Real Madrid Angel Di Maria ayaa shaaca ka qaaday midka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, maadaama uu labada la ciyaaray.

Angel Di Maria waxa uu qirtay inuu qarka u fuulay inuu ku biiro kooxda Barcelona xagaagii la soo dhaafay kaddib markii uu Neymar Jr u soo dhaqaaqay kooxda ka dhisan Caasimadda Waddanka Faransiiska ee PSG.

Barcelona waxa ay baadi goob ugu jirtay inay la soo wareegto laacib magac leh oo u buuxiya booskii uu banneeyey Neymar Jr oo ku biiray PSG, balse waa ay ku guuldarreysteen inay la soo wareegaan Di Maria.

“Aad ayaan ugu dhawaa inaan ku biiro Barcelona, nasiib darro, waxaa jira waxyaabo kubadda cagta ah oo suuro-gal ka dhigi waayay.” ayuu yiri Di Maria.

Dhinaca kale Di Maria ayaa wax laga weydiiyey midka fiican Leo Messi iyo Cristiano Ronaldo, maadaama uu labadaba ka soo garab ciyaaray, laakiin waxa uu taageeray xiddiga ay ka wada tirsan yihiin xulka Argentina ee Messi.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan heer sare ah, balse inuu ciyaarayo waqti uu joogo Messi ayaa ka dhigeysa mid aad ugu adag isaga, ma jiraan Erayo lagu qeexi karo Lionel Messi, had iyo jeer wuu kaa yaabinayaa.” ayuu ku jawaabay Di Maria.

“Sanad kasta isagaa ugu fiican waana sababta uu macallin Sampaoli iiga doonayo inaan u dhawaado isaga.” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Xiddigii hore ee Man United iyo Real Madrid Di Maria ayaaa shaqo fiican qabanaya xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay sagaal gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan