DAAWO: Bernardeschi Iyo Higuain Oo Xalay Ka Saaciday Juventus Inay Kusoo Laabato Hogaanka Serie A

0
255

JUVENTUS ayaa kusoo laabatay hogaanka horyaalka Serie A ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen Fiorentina, iyadoo goolasha qeybtii dambe ee ciyaarta dhaliyeen Federico Bernardeschi iyo Gonzalo Higuain.

Weeraryahanka reer Talyaani Bernardeschi ayaa laad xor ah waxa uu ku daah furay kulankii Artemio Franchi Stadium ka hor inta Gonzalo Higuain dhalin goolka labaad dhamaadka ciyaarta.

Fiorentina ayaa nasiib u heshay in loo dhigo rigoore ay u ansixisay aalada caawisa garsoraha ee VAR kadib markii Giorgio Chiellini kubad gacanta kaga dhacday, inkasto ay ub adneyd  inay aheyd offside.

Jordan Veretout ayaa qasaariyay rigooradii garsoore Marco Guida ku abaalmariyay kooxda martida loo ahaa ee Viola.

Ugu dambeyn natiiijada labada koox ayaa noqtay 2-0 oo ay ku badisay kooxda Juventus oo haatan dib ugu laaabtay hogaanka Serie A.

DAAWO GOOS-GOOSKA CIYAARTA

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan